Jubbaland  Online                  Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Thursday, April 05, 2007

Xuseen Caydiid oo hawl qaran uga degay Asmara, Eritrea

Addis Ababa (Ethiopia), Warar xogogaal ah oo aan ka helnay ilo u dhuun duleela dawladda Soomaaliyeed ee u adeegta keligi taliye Meles Zanawi ayaa sheegaya in safarka uu Xuseen Caydiid ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea uu yahay mid qorshaysan oo hawl qaran ah. Inkasta oo horraantii sanadkaan Xuseen Caydiid daboolka ka qaaday qorshayaal dawladda Ethiopia ku galinayso gumeysi dalka Soomaaliya lagana maaggan yahay in Soomaaliya noqoto kilinka lixaad, kornayl Cabdullaahina ku sheegay in Xuseen Caydiid nin waalan yahay ayaa haddana wararka aan helayno sheegayaan in xogta Eritrea taal ay tahay in dawladdu cid ku darsato si Ethiopia ay u hesho sirta iyo qorshayaasha jabhadaha ku sugan Asmara, Eritrea.

Xuseen Cayddiid, RW/Xigeenka koowaad, ayaa Meles Zanawi u arkay ninka loo adeegsan karo Eritrea. Keligi taliye Meles Zanawi ayaa gooni gooni u hantay masuuliyiin ku sheegga Soomaaliyeed, markasta oo khilaaf soo kala dhexgalana Musfin ayaa fartiinta loo soo faraa. Kornayl Cabdullaahi oo daacadnimadiisa ku wajahan Meles Zanawi ay u muuqato in fara laga hayo sirna aan qarin sidiisaba ayaa laga soo xuuraamay in Xuseen Caydiid loo wakiishay keenidda xogta Eritrea. 

 

  

Jubbaland Newsdesk in Addis Ababa

Main Page

webmaster@jubbaland.com