|
Friday, Sep. 01, 2006 Dadweynihii ku bannaan baxay Itoobiya oo lagu ugaarsanayo Laascaano (Sool)Laascaano, Soomaaliya Bannaan bax shalay ka dhacay magaalada Laascaano ee gobolka Sool lagagana soo horjeeday ciidanka calooshooda u shaqaysta ee Tigreega kuna sugan magaalooyin Soomaaliyeed ayaa ugaarsi lagu bilaabay dadweynihii halkaasi ku bannaan baxay. Dad badan oo qaadan waayey sida ummadda Soomaaliyeed loogu bah dilayo dhulkooda gumaysi madowna gacanta loogu galinayo ayaa si nabadgalyo ku jirto isugu soo baxay magaalada Laascaano. Arrintaas darteed ayaa ciidanka calooshooda u shaqaysta ee Itoobiya oo ay weheliyaan kan Puntland waxay bilaabeen in ay soo xirxiraan dadkii shucuurtooda soo bandhigay. Sida aan xogta ku helayno, dhowr iyo toban qof ayaa xabsiga loo taxaabay, kuwa kale waxaa loo gacan geliyey Itoobiya, halka kuwii horkacayey bannaan baxa qaarkood la la'yahay.
Jubbaland News desk in Addis Ababa |