Jubbaland  Online                  Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Sunday, Janaury 14, 2007

Ciidamadii  Ethiopia oo ay weheliyaan kuwo  dowlada oo saldhigtay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkan Gedo

 

Wararka aan ka helayo qeybo badan oo ka tirsan bey'adda bartamaha gobolkan Gedo ayaa faafreebaya inay ciidamadii dowlada Ethiopia iyo kuwii dowladda oo indhawaalaba ku sugnaa qeybo kamid Ceelcadde ay haatan gaareen magaalo madaxda gobolka ee Garbahaareey.
 
Ciidamadan huwanta ayaa warar aan goor dhaw ku helay dhinaca teleefoonka waxa ay sheegayaan inay saldhigteen qeybaha duleedka ee kalibeerka, ayadoo dad ku sugan degaankasina ay carabaabeen in ay ciidamadaasi halkaasi kula kulmayaan waxgarad reer Garbahaareey ah.
 
Ma jirto faahfaahin tibaaxaysa halka dhab ahaantii ay ciidamadaasi ku wajahan yihiin, ayadoo la rumeysan yahay inay askartaasi imminka soo afjareen baadi-goob ballaaran oo ay ugu jireen xubno ka haray maxkmadaha waa sida ay hadalka u dhigayaane.
 
Hase ahaatee, odayaasha degaanka ayaa askartaasi ka raariday inaysan jirin wax ciidamo ah oo ku dhuumaalaysanaya bey'ada Ceelcadde.
 
Tddobaadkiii hore ayey ahayd  markii ay ciidamadaasi oo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman ay soo gaareen degmada Buurdhuubo oo hal bowle u ah isku socodka Gobolka.
 

Xafiiska warqabadka Jubbaland

 

Main Page

webmaster@jubbaland.com