|
Sunday,
Janaury
14, 2007
Ayadoo ay dowlada waddanka kenya albaabada u laabtay xadkeeda ay
la wadaagto gobolka Gedo toddobaadkii hore ayaa misna waxaa soo
baxaya cabashooyin iyo walaac ay arrimahaasi ka muujinayaan
odayaasha,waxgaradka, hay'adaha samafalka iyo weliba maamulada
ka jira degaanadaasi.
Guddoomiyaha maamulka degmada B/xaawo Axmed Max'ed Yuusuf
Burkuus oo aan ku waraystay qadka teleefoonka ayaa walaac ka
muujiyay xirnaanshaha xadka labada dal, taasoo uu ku sheegay in
ay tahay mid quus ka dhigeyso guud ahaan dhaqdhaqaaqyadii
ganacsi iyo tii bulshaba.
Axmed Burkuus oo hadalkiisa sii wata ayaa carrabka ku adkeeyay
in uu jiro xiriir iyo cilaaqaad wanaagsan oo u dhaxeeya labada
bulsho, kaasoo uu gudoomiyuhu ku sheegay mid soo jireen ah.
Sidoo kale odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmada Ceelwaaq ee
gobolka Gedo oo iyaguna maanta igula soo xiriiray qadka
fooneeyaha ayaa codsi u jeediyay dowladda waddanka Kenya,.
waxaana ay masuuliyiintaas oo uu horkacayo nabadoon Sh Xassan
Iftiin ay ka codsadeen agaasimayaasha xadka inay fasaxaan xadka
maadaama ay ku jirto danta iyo maslaxadda labada dal iyo
shacabkoodaba.
Ciidammada Keenya ee loo yaqaan GSU ayaa waxa ay ku sugan
yihiin xuduudda dheer ee u dhaxaysa Kenya iyo Gedo si ay u
fuliyaan xiridda xuduudda.
Xafiiska warqabadka Jubbaland
|