Jubbaland  Online                  Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Monday, Janaury 15, 2007

Dawladaha Afrikaanka oo ka caga jiidaya ciidan ay keenaan Soomaaliya

Mogadishu, Wufuud badan oo ka kala socda dunida ayaa ku soo qulqulaya magaalada Mogadishu oo dhawaan gacanta u gashay dawladda ku meelgaarka ee ay korkacayaan Geeddi iyo Cabdullaahi Yuusuf oo labaduba imminka ku sugan Mgadishu.

Dawladdan oo fadhigeedu muddaba ahaa Baydhabo ayaa ciidanka Ethiopia iyo Somalia oo gacan ka helaya diyaaradaha Maraykanka u gacan geliyeen caasimaddii Soomaaliya oo lagala wareegay maxkamad beeleedyadii midoobay.

Waxaad mooddaa in qorshe miiska saarnaa oo isla markiiba lagu hawl galay inuusan jirin maadaama aan la hayn ciidan diyaarsan oo adduunweynuhu isku raacsan yahay. Dawladda Uganda ayaa ilaa imminka ku yaboohday ilaa 1500 oo ciidan nabadda suga ah.

Maraykanka, Midawga Yurub iyo Qarammada Midoobay ayaa qorsheeyey in ilaa 8000 oo ciidan Afrikaan ah la geeyo Soomaaliya balse la la'yahay waddan ciidan diyaar ula ah Soomaaliya.

Waxaad mooddaa in adduunweynuhu isku ogyahay in Ethiopia loo sharciyeeyo Soomaaliya sababtuna tahay inta la la'yahay ciidan aan Ethipian ahayn oo suga ammaanka dawladdan waxaa sii joogaya Ethiopianka.

Jubbaland news desk  in Mogadishu     

 

Main Page

webmaster@jubbaland.com