|
Monday,
Janaury
15, 2007 Mogadishu, Warar aanu ka helayno
magaalada Muqdisho ayaa tibaaxaya in Ciidammada dowladda
federaalka oo ay weheliyaan ciidammo Ethiopian ah lagu weeraray
waddooyinka qaar ee magaaladaasi. Xalay xilligii dhexe abbaarihii 10kii fiidnimo ayaa waxaa
magaalada Muqdisho hareeyay weeraro iyo israsaaseyn ka dhacday
meelaha qaar ,kuwaasoo lala beegsanayay ciidammada dowladda
federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka oo ku
socdaalayay jidka warshadaha ee magaalada Muqdisho . Daryaanka rasaasta oo aad u xooggan ayaa laga maqlayey qeybo
badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho. waxaana ay ciidammadaasi
aag ka xirteen jidgooyooyinka. Isgoyska SOS ayaa misna kamid ahaa
goobihii kale ee lagu weeraray askarta dowlada. Waxaa adag in la ogaado qasaaraha dhabta ee meeshaasi ka dhacay
ayadoo ay weeraraadaasi ahaayeen kuwo qarsoodi ah oo dhacayey
xilli dadku ay hurdo ku jireen. Sidoo kale si dhab ah looma oga qasaaraha gaaray dadka rayidka
inkasta oo agagaarka xaafadda Shiirkole ee magaalada Muqdisho lagu
arkay qof meyd ah oo halkaas yaala kaas oo la sheegay inay ku
dhaceen rasaastii xalay la isku ridayey. Jubbaland Newsdesk in Mogashui
|