Jubbaland  Online                  Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Tuesday, Janaury 16, 2007

Ciidamada DFKG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia oo ka carraabay gobolka GEDO, iyaga oo u ambaqaaday dhinaca gobolka Baay

Buurdhuubo, Wararka aanu ka helayno magaalada buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay halkaasi ka sii saanqaadeen ciidamadii dowlada iyo kuwa dalka Ethiopia oo isgarabsanayey kaddib markii ay soo afmeereen socdaal-baadi-goob ah oo ay ka wadeen gobolkan Gedo.
 
Ciidamadan Huwanta ah oo ku hubeysnaa noocyada kala duwan ee hubka  ayaa lagu soo warbixinayaa inay xalay ku waabariisteen duleedka magaalada Buurdhuubo, iyaga oo saakana halkaasi ka sii ambaqaaday safarkoodii ay ugu jiheysnaayeen qeybo kamid ah gobolka Baay oo ay horay in muddo ah xeryo ciidan ku lahaa.
 
Askartan oo shalay ka soo guuray magaalada xarunta u ah gobolkan ee Garbahaarrey, halkaasoo ay ku sugnaayeen dhawr cisho ayaa la sheegayaa in ay imminka soo gunaanadeen socdaalkoodii,ayadoo kulamo aan toos ahayn oo ay la qaateen waxgaradka degaankaasina ku wargeliyey inay aad uga mahadnaqayaan soodhaweynta baaxadda leh oo ay kala kulmeen shacabka iyo masuuliyiinta gobolka.
 
Ciidankan oo si xooggan u hubaysan ayaa u dhaxeeyey magaalooyinka Ceelcadde, Garbahaarey iyo Buurdhuubo  tan iyo intii ay maxkamadbeeleedyadii Muqdishu looga itaalroonaaday aagaggii ay ka talin jireen. Ujeeddada ciidankani ugu dul meeraysanayey magaalooyinkan ayaa la rumeysanyahay inay la xiriirtay baadi goob ballaaran oo ay ugu jireen xubno maxkamadaha ah oo sida ay sheegayeen ay uga shakiyeen inay ku dhuumaalaysanayaan gobolka. Hase ahaatee ciidamadan ayaan wax caddeyn ah ka helin goobihii ay booqdeen sida ay ii xaqiijiyeen dad aan kala xiriiray degaano badan oo kamid ah gobolka.
 

Jubbaland Newsdesk in Gedo

Main Page

webmaster@jubbaland.com