Jubbaland  Online                  Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Wednesday, Janaury 17, 2007

WFP oo hawlo gargaar  Ka fidinaysa degmada Buurdhuubo oo ay ku noolyihiin qoysas ku waxyeeloobay daadadka

Buurdhuubo, Hawla deeq bixin ah oo ay gacan ka geysatay hay'adda WFP ayaa maalintii shalay laga dargeliyay degaanno hoos yimaada degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.
 
  Tuulooyinka Dacarta, Bakal-aroos, Huufeey iyo Qaydo ayaa ka mid ah goobaha la gaarsiiyay raashinkaasi oo isugu jira digir, saliid,matafiish iyo mushaari, ayadoona loo qeybiyay qoysas ay waxyeelo ka soo gaartay fatahaadda iyo roobabka xilliga deyrta Sida uu ii xaqiijiyay mid ka mid ah saraakiisha hay'addaasi oo xiligaasi ku sugnaa goobtii lagu bixinayey raashinkaasi.
 
  Qaar ka mid ah qoysaskaasi oo iyagu horay uga soo barakacay masiibadii dhinaca bey'adda ahayd ayaa la arki karay iyaga oo ku sugan goobahaasi si ay u hantaan guntimo raashininkaasi ah.
 
Hay'adda barmnaamijka cuntada adduunka ee WFP ayaa horay deeqo kuwan la mid ah au gaarsiisay qoysas ku dhaqan bartmaha degaanno gobolka Gedo ah, kuwaas oo la daalaa dhacayey dhibaatooyin xagga nolosha ah.
 

Jubbaland Newsdesk in Gedo

Main Page

webmaster@jubbaland.com