Jubbaland  Online                  Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Thursday, Janaury 18, 2007

Dibbadbax ballaaran oo ka dhan ah Xariga Cali Xassan Baldhaf ( Agaasimaha Shirkada Hormuud B/Xaawo) oo Baydhabo ay ku xireen ciidanka DFKMka ah iyo Ethoipia oo ka dhacay Beled Xaawo

Beled Xaawo, Boqollaal dadweyne ah oo ku qeylinayay halkudhigyo iyo astaamo ka dhan ah xariga dhawaan magaalada Baydhabo loogu geystay mid ka mid ah dadka degaanka gobolka Gedo, agaasime Cali Xassan Baldhaf xill uu ku soo socdaalayey dhabbaha xiriiriya B/xaawo iyo Muqdisho.
 
Dibadbaxaan oo ay soo agaasimeen ururrada bulshada rayidka ah ee degaankaasi ayaa dadweynihii ka qeybgalay waxa  ay socdaal lug ah ku soo mareen mudadii ay dhigayeen banaanbaxaasi dhammaan xaafadaha magaalada, waxaana ay dadkaasi oo ay caro ka muuqatay la ku dhawaaqayeen oraahyo muujinaya dambi la'aanta agaasimaha hormuud iyo in aan la xirin qof aan dambi lahayn.
 
Guddoomiyaha ururrlada dhalinyarada degaankaasi Max'ed Daqarre oo igula soo xiriiray qadka isgaarsiinta ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin xariga muwaadinkaasi , waxaana uu ka codsaday dowlada ku meel gaar ah iyo ummadda soomaaliyeed inay  ka qeyb qaataan sii deynta ninkaasi.
 
Agaasimaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Cali Xassan Baldhaf gaar ahaan xafiiskeeda B/xaawo ayaa waxaa muddo haatan laga joogo 4 maalmood waxaa xarig ugu geystay magaalada Baydhabo ciidamada isku dhafan oo qaarkodd loo aqoonsaday kuwa Ehoipia, waxaana xilliga xariggaasi  Cali Xassan oo safar kaga yimid Xajka uu ku  soo jeeday magaalada Beled xaawo oo ah halka uu ka hawlgeli jiray.
 
Xariga Cali Xassan Baldhaf ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyey qaar ka mid ah waxgaradka , odayaasha iyo culummaa'udiinka gobolka Gedo. Waxaa ay ugu dambeyntii ugu baaqeen dowladda inay sii deyso muwaadinkaasi.

Xarigga agaasimaha Hormuud ayaa ku soo beegmay xilli sharciyada waddanka oo dhan la galiyey xaalad deg deg ah oo madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo kaliya uu hadalkiisu yahay sharciga kaliya ee ciidanka dawladda ku meelgaarka ah iyo kuwa Ethoipiankuba ku hawlgalayaan.

 

Jubbaland Newsdesk in Gedo

Main Page

webmaster@jubbaland.com