|
Friday,
Janaury
19 2007 Mogadishu, Madaxtooyada Soomaaliya oo uu ku sugan yahay madaxweynaha dawladda ku meelgaarka ah Jaalle Kornayl Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu soo tuuray ilaa 8 madfac shan ka mid ahna ay ku dhacday gudaha Villa Somalia habaynimadii jimcaha. Madaafiicdaan ama hoobiyeyaashan ka bacdi ayaa la sheegay in dad ku hubaysan qoryaha isdabjoogga u dhaca ilaalada madaxtooyada weerar ku soo qaadeen. Tirada dadka weerarka ku soo qaaday madaxtooyada iyo cidda ay yihiin ayaan la sheegin balse dadka reer Muqdisho ayaa isla dhexmaraya in ay yihiin haraagii maxkamadbeeleedyadii midoobay ee Muqdisho. Lama oga ilaa imminka qasaaraha iyo dhibka ka dhacay goobtaas inkasta oo guryo dhowr ah oo madaxtooyada deris la ah burbur soo gaaray aanse la sheegin dhimasho iyo dhaawac toona. Agagaarka Villa Somalia ayaa korontadu ka go'an tahay lamana sheegin inta meelood ee madaxtooyada weerarka looga soo qaaday. Madaxdii maxkamadbeeleedyadii midoobay ee Muqdisho ayaa horay u sheegay in dagaalkoodu ahaan doono "ku dhufoo ka dhaqaaq" Dad JO kala xiriirtay Muqdisho ayaa sheegay in ay maqlayaan hoobiyeyaasha iyo madaafiicda ku dhacaysa Villa Somalia. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo ku sugan madaxtooyada ayaan marnaba laga soo dhawayn caasimadda waddanka balse ku yimid baabuur qafilan oo aan xabaddu karin. Wixii wara oo soo kordha kala soco Jubbaland.
Jubbaland Newsdesk in Mogadishu
|