Jubbaland  Online                  Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Monday, Janaury 22, 2007

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisulwasaare Meles Zanawi oo ay la soo daristay caqabad hor leh

Mogadishu, Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa ka dagay magaalada Addis Ababa ka dib markii uu farriin uu siday wasiirka arrimaha dibadda ee Ethiopia ay uga timid ra'iisul wasaaraha Ethiopia, Meles Zanawi. Labadan masuul ayaa la sheegay in ay kulmayaan si ay u gorfeeyaan codsiyo iyo shuruudo is dabayaal ah oo kaga imaanaya adduunweynaha.

  Waddamada midoobay ee Yurub oo laga sugayey dhaqaale lagu maalgalinayo ciidammada shisheeyaha ee lagu wado in la keeno Soomaaliya si ay u baddalaan ciidanka Ethiopianka ah ee ayagu kaga itaal roonaaday maleeshiyadii maxkamadihii midoobay ee Muqdisho ayaa dhaqaalahoodii ku xiray shuruudo aad ugu qallafsan in madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ama Meles Zanawi yeelo. 

  Yurub ayaa shuruudaha ay hor dhigtay labadan mudane ay ka mid yihiin: Saxaafadda oo madax bannaanaata, wadahadallo dib u heshiisiineed oo dib loo furo lagana tala galiyo odayaasha dhaqanka, ganacsatada, culumaa'udiinka aan xag jirin, ururrada bulshada, dumarka IWM.

  Waxaa kale oo shuruudaha ka mid ah in guddoomiyihii baarlammaanka xilkiisii loo soo celiyo, laga noqdo xukunka degdegga ah (martial Law) isla markaasna xubno ka tirsanaa maxkamadihii laga xoog roonaaday ay dawladda ka hawl galiyaan.

Lacagta Yurub shuruudahaas ku xirtay ayaa lagu qiyaasay ku dhawaad 20 Malyuun oo doollarka Maraykanka ah.

  Dawladda Maraykanka ayaa ayaduna shuruudahaas kuwa la mid ah u soo jeedisay dawladda madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo uu xooggeeduna yahay ciidanka Ethiopia.

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo ra'iisul wasaare Meles Zanawi ayaa arrimahaani horyaallaan.

Jubbaland Newsdesk in Mogadishu

Main Page

webmaster@jubbaland.com