|
Tuesday,
Janaury
23, 2007 Mogadishu, Ciidanka Ethiopia ayaa bilaabay in ay ka baxaan waddanka Soomaaliya ka dib afar toddobaad markii ay ka itaal roonaadeen midawgii maxkamadbeeleedyadii Muqdisho kuna guuleysteen in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed xarunta madaxtoyada ka soo tooso. Racii ugu horreeyey ee ciidankan ayaa xuduudda ka gudbay iyaga oo wata gawaarida gaashaaman ee ciidanka ayada oo aysan jirin wax ciidan kale oo Afrikaan ah oo kala wareegay awoodda si ay u ilaaliyaan dawladda Soomaaliyeed oo aan cagaheeda ku taagnaan karin. Waxaa lagu wadaa in ciidanka Ethiopianka ah ee ku haray Soomaaliya ay joogi doonaan inta lagu guulaysanayo helitaanka ciidan Afrikaan ah oo kala wareega awoodda. Ciidanka Afrikaanka oo aan imminka lahayn ayaa haddii la helo waxaa horyaal shuruudo ay la yimaadeen dawladihii maalgelin lahaa oo ay ku adag tahay in ay yeelaan masuuliyiinta dawladda ku meelgaarka Soomaaliyeed iyo kuwa Ethiopia. Wadahadal lala galo masuuliyiintii maxkamadaha oo uu ka mid yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa ka caga jiidaya ra'iisulwasaare Geeddi oo u arka in Shariifka adduunweynuhu kursigiisa u wado. Jubbaland Newsdesk in Mogadishu
|