Jubbaland  Online                  Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Monday, Novembar 01, 2006

Xasan Dahir Aweys oo Soomaalida ku sugan dalka Masar ku bannaanbaxeen 


Madaxa
golaha shuurada Maxkamadbeeleedyada midoobay ee Muqdisho, Shiikh Xasan Dahir Aweys 

Cairo, Madaxa golaha shuurada ee maxkamad beeleedyada midoobay ee Muqdisho ayaa la sheegay in uu safar aan la shaacin ku tagay magaalada Qaahira ee dalka Masar. Dawladda Masar ayaa la sheegay in ay ay shiikhan u yeertay balse saxaafadda u diiday in ay siiso war ku saabsan ujeeddada safarkiisa.  Dawladda Masar oo aan la oggalayn in si nabadgalyo leh dadku ku muujiyaan shucuurtooda ayaa dad Soomaaliyeed oo deggan magaalada Qaahira maqlayna in Shiikh Xasan Daahir Aweys ku sugan yahay magaaladan ayaa mar qura soo hor dhoobtay agagaarka wasaaradda Ariimaha Dibedda ee Masar. Dadkan oo tiradoodu ku bilaabatay illaa 26 qof ayaa waxay ku qaylinayeen erayo liddi ku ah masuulkaan.

Ciidanka nabadda ee Masar ayaa markiiba lagu amray in la kala diro dadkan inta aanay saxaafadda soo jiidan. Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu dawladda Maraykanka ugu jiraa liiska dadka la raadiyo taasoo keentay in dalka Masar qarsoodi ka dhigo imaatinka shiikha.  

Dalka Masar oo ka mid ah dalalka ku farafootamaya arrimaha Soomaaliya ayaa diidday in ay war ka bixiyaan safarka shiikha, cidda qaabilaysa iyo weliba goobta uu ku sugan yahay. Wararka qaar ayaa sheegaya in waaxda sirdoonka lagu qaabili doono Shiikha. Dad kale ayaa aaminsan in shiikhu yahay waxa afka qalaad lagu yiraahdo "DOUBLE AGENT" oo warbixintii laga rabo.

Main Page

webmaster@jubbaland.com