Jubbaland  Online                  Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Axad, Novembar 13, 2006

Jeneral Cadde Muuse oo ay la soo daristay marxalad adag


Jen. Cadde iyo wejiga maxkamadaha Muqdishu

Gaalkacyo, Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Jeneraal Cadde Muuse Boqor ayaa la sheegay in uu heegankii ugu sarreeyey galiyey ciidanka daraawiishta dawladgoboleedka Puntland kadib markii dhacdooyin isdaba joog ah oo khalkhal galiyey nabadgalyada Puntland ay ka dhaceen goobo ka mid ah Puntland.

Bandiiradley ayaa waxay gacanta u gashay maxkamad beeleedyada midoobay ee Muqdishu oo daacadda u ah Shiikh Xasan Daahir Aweys kadib markii kornayl Cabdi Qaybdiid maleeshiyo daacad u ahayd looga xoog roonaaday. Maleeshiyada Kornayl Qaybdiid ayaa sheegay in ay xeel dagaal uga baxeen magaalada balse aan guuldarro ku habsan. 

Beelaha dega Puntland ayaa ayaamahaan waxaa aad mooddaa in beel walba rabto in ay ayadu noqoto maxkamadda Puntland wakiilka uga noqonaysa maxkamadbeeleedyada midoobay ee Muqdishu. Dhowr maxkamadood ayaa looga dhawaaqay in laga hirgaliyo Puntland isla markaana maxkamadaha Muqdishu ayaa hanjabaad iyo gacan ka hadal la dul fadhiya Puntland ayaga oo adeegsanaya dadka degaanka kuna khaldaya diinta oo ay si gurracan u isticmaalaan.

Jeneraal Cadde ayaa waxaa ka go'an in uusan wax ka hagran difaaca Puntland asaga oo kal hore caddeeyey in cid kasta oo uu gaashaanbuuraysan karo xiriirkeeda xiri doono. Waxaan ilaa imminka u caddeyn Jeneraalka cidda cadawga u ah maadaama farsamooyinka maxkamadaha midoobay ee Muqdishu ay yihiin kuwa aad u qota dheer ayaga o adeegsanaya waxmagaratada beel ahaan ugu dhow ninka ay hadba rabaan in ay ka takhalusaan.

Dhallinyaro maskaxda laga soo dhaqay oo la gaarsiiyey marxalad aanay miyir lahayn, loona sheegay in maamulka Puntland yahay mid aan diinta waafaqsanayn, Jeneraal Caddana lagu janno tagi karo, lacag waalan oo Xamar uu yaallo mishinka lagu daabaco IWM. ayaa waxay kallifeen in heegankii ugu sarreeyey la galiyo ciidanka difaaca Puntland. Dad badan ayaa qaba in guuldarradii ugu weynayd ay maxkamadaha Muqdishu kaga habsan doonto Puntland.

Dhinaca kale, dad badan oo arrimaha Soomaaliya u dhuun duleela ayaa saadaalinaya in Jeneraalku uu ka guuri doono gobolka maadaama cidda uu dhabarka ku hayaa ay dhaqaala ahaan ka liidato cidda Maxkamadaha Muqdishu ay dhabarka ku hayaan. 

Main Page

webmaster@jubbaland.com