|
Monday, Octobar 09, 2006 Shariifka Maxkamadaha oo xajin waayey ujeeddada qarsoon ee maxkamadaha midoobayAddis Ababa, Ethiopia
Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ah madaxda maxkamadbeeleedyada Midoobay ragga ugu cadcad ee dunida sida khaldan ugu bandhiga wejiga iyo ujeeddada runta ah ee maxkamadbeeleedyada midoobay ayaa wareysi uu siiyey Aljazeera ku sheegay dadka ku bannaan baxaya Kismaayo ee ka soo horjeeda maxkamadaha ay yihiin "HARAAGII SIYAAD BARRE" ee dadka reer Kismaayo rabaan maxkamadbeeleedyada midoobay. Sharraxaad uma baahna cidda uu ula jeedo haraagii balse Shiikhu waxa uu kashifay ujeeddo ka qarsoonayd dad badan oo ka soo jeeda beesha uu ku tilmaamay haraagii. Maxkamadbeeleedyada Midoobay ayaa taageerayaal badan ku dhex lahaa Beesha lagu tilmaamay haraagii balse aysan u caddayn in maxkamadahaani ku salaysan yihiin kuna dhisan yihiin qaab beeleed. Ma ahan markii ugu horraysay ee la adeegsado erayga "HARAAGII SIYAAD BARRE". Magaalada Djabuuti ayey ahayd goobtii lagu adeegsaday erayga muddo imminka laga joogo ilaa lix iyo toban sano. Muxuu yahay xiriirka ka dhexeeya raggii waagaas isticmaalay erayga iyo kuwa maanta isticmaalaya? Maxaase kallifay in uu adeegsado? Shiikh Shariif ayaa waxaa ku adeeganaya beel gaar ah oo si gurracan diinta u isticmaalaysa. Ummadda Soomaaliyeed waa inay garataa in maleeshiyo beeleedyadii jiray ay u xuub siibteen maleeshiyo diineed maxkamado furtay. Maxkamado beeleedyadaan ayaa loo dhisay: - In ay ciqaabaan oo kaliya dadka laga xoog roon yahay tusaalana lagu bixiyo - In dumarka iyo carruurta lagu khasbo in ay u soo daawasha tagaan mar kasta oo qof la ciqaabayo - In ummadda cabsi joogta ah loo abuuro - In wax madadaalo la xiriirta aan waddanka loo oggolaan (cayaaraha, filimaanta, dabbaasha iwm) ilaa 80 reer ayey telefishinnadii ka qaateen kana jajabiyeen magaalada Kismaayo - In dumarka laga xannibo shaqooyinka oo ay ku ekaadaan gurigooda - In gabdhaha ay dugsi gooniya aadaan amaba ay guriga joogaan - In qofka noloshiisa khaaska lagu fara geliyo sidii uu u noolaan lahaa - In aan su'aal laga keenin go'aammada maxkamadobeeleedyada Qalabka
ciqaabaha ay maxkamaduhu adeegsadaan ayaa waxaa ka mid ah toorrey,
xabbad, jeedal iwm.
Jubbaland News desk in Addis Ababa |