|
Monday, Octobar 23, 2006 Maleeshiyaadka AL-SHABAABMogadishu, Somalia Maleeshiyada AL-SHABAAB ayaa waxa hoggaamiya Adan Xaashi Cayrow oo ah sida la sheegay ka soo qalin jabiyey xeryaha lagu tababaro xubnaha adduunka ka fuliya argagaxa ee ku yaal Afganistan. Maleeshiyadaan ayaa la sheegay in ay tahay xoogga maxkamadaha lafdhabarta u ah loona diro halka hadba ay ka fulinayaan arrin. Cayrow oo ah nin dhallinyaro ah ayaa waxaa waardiya ka ah dad aan Soomaali ahayn in kasta oo ay maleeshiyadiisu u badan tahay Soomaali. Mar walba oo Maxkamadaha Midoobay ay goob hor leh qabsadaan laguna samaynayo hub ka dhigis ayaa waxaa hubka gacanta loo galiyaa oo lagu aruuriyaa maleeshiyada AL-SHABAAB. Dadka ku dhaqan magaalada Xamar amaba goobaha ay ka hawlgalaan maleeshiyadaan ayaa had iyo goor isweydiiya sababta dadka ku wareegsan Adan Cayrow ay u qariyaan jirkooda oo dhan. Dad badan ayaa qaba in maleeshiyada ALSHABAAB fuliso ficillo isdhaafin iyo ka takhalusid ah. Marka raad soo galo Adan Cayrow iyo maleeshiyadiisa ayaa waxaa loo weeciyaa dhanka dad loo bixiyey "LOOMA OOYAAN & BEELAHA AAN HUBAYSNAYN" oo ku sugan Xamar. Maleeshiyadan ayaa waxaa loo diraa dad la rabo in laga takhaluso, dad la tacshiiradaynayo, iyo ciidan ahaan goobtii la rabo in la taabsado. Adan Cayrow ayaa maxkamad beeleedyadaan midoobay u qaabilsan xagga jirdilka, cabsigelinta iyo cabsi ku haynta dadweynaha. Maleeshiyada ajnabiga ah ee ka tirsan ALSHABAAB ayaa la sheegay in laga dhaadhiciyey in ay ku janna tagayaan dadka ka soo horjeeda maadaama ay kufaar yihiin ama kufaar la safan yihiin. Sida la sheegay nin ajnabi ah oo ka tirsan maleeshiyada Alshabaab oo sita maab dhowr magaalo oo ay ka mid tahay Baydhabo ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidanka Jubbaland. Ninkan ayaa sheegay in uu yahay MUJAAHID rabana in uu ku janna tago saraakiil ka tirsan dawladda ku meel gaarka ee Geeddi. Maxkamadbeeleedyada isutagay oo diin ku qaraabanaya ayaa waxay aad u daneeyaan dhallinta da'da yar una furaan tababar maskax dhaqid ah. Dhallintaan ayaa waxaa miskaxdooda la gaarsiyaa heer ay miyirka lumiyaan ismiidaamintuna u sahlanaato.
Jubbaland News desk in Banaadir |