|
Tuesday, Septembar 26, 2006 Kismaayo, Soomaaliya
Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xubnaha cusub ee USC lana wareegay gacan ku haynta magaalada ay bilaabeen in habaynkii ay dadka kala baxaan guryahooda. Habaynkii xalay ahaa ayaa magaalada waxaa lagu so rogay bandow ka bilaabanaya laba saac oo habaynimo soconayana ilaa waaberigii. Wararku waxay jlo ku soo gaarayaan in guryaha saq dhexe lagu soo jabinayo dadka lagana aruursanayo wixii loogu yimaado oo hanti ah. Inta badan waxaa guryaha loogu imaanayaa dumar iyo carruur. Wararku waxay nagu soo gaarayaan in maleeshiyaadka USC oo wajigu u daboolan yahay indhaha oo kaliyana ka soo jeedaan ay guryaha qaarkood soo jabsheen oo dumarkii iyo carruurtii argagax ku rideen. Yusuf Mire Seeraar oo ka mid ahaa isbahaysigii magaalada gacanta ku hayey muddada toddobada sano ah una xuubsiibtay xubin USC ayaa la sheegay in guryaha amarkiisa lagu galayo dadkana amarkiisa lagu dhibaataynayo. Xubnaha ku bahoobay duullaanka lagu qabsaday magaalada Kismaayo ayaa waxay yihiin: Xasan Daahir Aweys, Cabdiqaasim Salaad Xasan, Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde), Yuusuf Mire Seeraar iyo Maxamud Jimcaale Rooble (Goobaale) oo hal beel ka soo jeeda dadkana ku qaldaya diin. Dadka
ay ku adeeganayaan ayaa waxaa ugu sarreeya Waxaa soo raaca dhallinyaro maskaxdii laga mayray (brainwash) oo laga dhaadhiciyey in ay mujaahidiin yihiin una adeegaan Ilaahey. Haddii maxkamaduhu yihiin kuwa ka koray Qabiil, bal isweydii ragga magacyadoodu dusha ku xusan yihiin halka ay ka galaan maxkamadaha. Waxaa weheliya nin lagu magacaabo Xasan Turki oo markii la weydiiyey calanka Soomaalida sida loogu galay Kismaayo ku jawaabay "Waa maro aan wax qiima leh ku fadhin, waxaanan leenahay calan noo gaar ah" Muxuu ka ogyahay qarannimo? Waxaa lagu soo magacaabay in uu hoggaaminayo ciidanka ka hawl gelaya Kismaayo wixii eed ah ee Seeraar galana asaga ayaa loo saarinayaa. Dadka reer Jubbaland waxay Shariifka u so jeedinayaan in uu ka fiirsado u adeegga Xasan Daahir Aweys oo ku salaysan qabiilka, magaca diintana ku adeeganaya.
Jubbaland News desk in Addis Ababa |