|
Wednesday, Septembar 27, 2006 Maleeshiyada Xildhibaan Yuusuf Mire (Seeraar) oo ku soo wajahanKismaayo, Soomaaliya
Maleeshiyaad ka amar qaata Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar ayaa lagu soo warramayaa in ay ku soo wajahan yihiin magaalada Muqdisho ayna u raran yihiin gawaari la sheegay in ay ku shixnadan yihiin qalab laga soo bililiqaystay guryihii masuuliyiintii JVA oo uu xubin ka ahaa inta aanu u xuubsiiban ururka maxkamadaha sida qaldan ugu adeegta diinta. Dhowr qof oo ku sugan Kismaayo ayaa jlo u xaqiijisay in baabuurtaas oo laga buuxiyey xataa maacuun ay ambabaxday balse ka gaabsaday in uu Xildhibaanku la socdo iyo in kale. Baabuurtaas ayaa ah baabuur xamuul tiradoodana tahay saddex inta laga warqabo.
Jubbaland News desk in Addis Ababa |