Jubbaland  Online                   Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Thursday, August 03, 2006

Kornayl Cabdullaahi oo lagu wado in uu Baydhabo ka dhaqaajinayo balse aan la ogayn halka uu ka degi doono

  Warar xogogaal ah oo aan ka helayno ilo ku dhow dhow xoghaynta iyo ilaalada Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegaya in khilaaf soo kala dhexgalay Kornayl Cabdullaahi iyo madaxa dawladda kabaqaadka u ah Itoobiya Jaalle Geeddi. Khilaafkan ayaa la sheegay in uu ku salaysan yahay Meles Zanawi oo Geeddi ka dhigay ninka koowaad ee arrimaha Soomaaliya lagu fulinayo halka Kornaylka ay arrintaasi ku noqotay filanwaa. 

  Arrintaan ayaa la sheegay in dibindaabyooyin iyo shirqoollo ku wajahan calooshoda u shaqaystayaalka (xildhibaannada) ay abuurtay. Calooshooda u shqaystayaal badan ayaa dantu ku kalliftay in ay dhinacna la safan waayaan maadaama hadday dhinac raacaan ay dhimasho qorshaysan xigto sida horayba u dhacday.

  Maadaama Kornaylka iyo dhakhtarku is qabteen, Itoobiyana ay dantu ku khasabtay in ay dhinac la safato, Kornaylkuna uusan oggolayn in uu nin ku xigeen u noqdo, dantu waxay khasbaysaa in Kornaylka iyo Geeddi mid u haro magaalada Baydhabo.   

  Nin diiday in uu magaciisa sheego oo aan Baydhabo kala xiriirnay ayaa JLO u sheegay in labadan khayramasuul aysan magaaladu wada qaadin, waxaana u haraya midka Meles cagaha ka dhunkada.  

 

 

 

Jubbaland News desk in Addis Ababa