Jubbaland  Online                          

               Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Friday, August 04, 2006

Xilka ay hayeen ee ay iska casileen muxuu ahaa?

 

Ayaamahaan waxaa iska soo daba dhacayey rag xil baan haynay leh xilkiina waan iska casillay. Haddaba waxaa isweydiin leh "Muxuu ahaa xilka ay hayeen ee ay iska casileen? Maxaase sababay in ay waqtigaan ku dhawaaqaan casilaaddaan? Ma dhibaato cusub oo xukuumad ku sheegga Geeddi iyo Kornaylka ku soo korortay darteed bay isaga casileen jagada? Ma arrin aysan markii hore fahamsanayn wasiirra ku sheeggu bay fahmeen imminka oo kalliftay casilaaddan? Doorashada Kornayl Cabdullaahi iyo magacaabidda dhakhtarku ma ka turjumaysay Soomaalinnimo? Hanjabaad, Laaluush, ballanqaad jago iwm ma ka marnaayeen arrimihii Kenya lagu soo dhoobdhoobay oo xuduudda Soomaaliya la so goysiiyey?

 Jawaabaha su'aalahaan ayaa ah kuwa aad u adag. Mar kasta oo aan isku dayo in aan ka jawaabana waxay dhaliyaan su'aala kale. Dad xor ah oo cod bixinaya kalsoonida kalama noqon waayin dawlad aan wax dan ah u hayn shacabka ay matalayaan. Calooshooda u shaqaystayaalka u codeeyey sii jiridda Itoobiya ay ka adeeganayso Soomaaliya haddii la weydiiyo hal wax oo fiican oo Geeddi, Kornayl Cabdullaahi ama hal wasiir ku-sheeg u qabtay ummadda Soomaaliyeed waxaan filayaa amaba ay tahay jawaabtu "EBER"

 Eber waa ka sii hosaysaa jawaabtu sababta oo ah dad badan ayaa Baydhabo ku qurwaayey. Dadkan ayaa gacanta dawlad ku sheegga ku baxay, taasina sababtay iska horimaad soo kala dhexgala Meles, Geedi, Kornayl Cabdullaahi, Shariifka, iyo kuwa kale o badan.

 Ninka imminka Itoobiya u adeegayoow ku quuso Kornaylka oo aan filayo in cid ka badisa la dhaqankeed uusan jirin.

 

 

Jubbaland News desk in Addis Ababa