Jubbaland  Online                          

               Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Sunday, August 06, 2006

Jaalle Musfin oo la sheegay in uu amarro dul dhigay Kornayl Cabdullaahi iyo Dhakhtarkiisa, Geeddi.

 Dadweyne badan oo Somaaliyeed oo jlo kula kulantay dariiqyada magaalada Baydhabo ayaa dadka waxaa ka muuqata welwel iyo niyad jab. Imaatinka wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya, Jaalle Musfin iyo waxa uu ku soo kordhin doono xaaladda kol hore murugtay ee ka taagan Baydhabo. 

Khilaafaad ballaaran oo ka dhex taagnaa madaxda dawladda gabbalkeedu sii dhacayo ee u adeegta dalka Itoobiya kuna sugan magaalada Baydhabo ayaa la sheegayaa in la soo afjaray. Xogta aan ka helayno magaalada Baydhabo ayaa sheegaysa in aan dhab ahaantii looga warqabin qodobbada Wasiir Musfin uu soo hordhigay khayramasuul kasta oo uu halkaas kula kulmay. Dadka qaar ayaa waxay leeyihiin amarro laga soo faray Itoobiya ayaa loo keenay nin kastana waxaa loo sheegay waxa laga filayo in uu qabto.

 Wasiirku ma soo hadal qaadin arrin Soomaaliya ku saabsan mana qaban shir jaraa'id oo safarkiisu wuxuu ahaa mid suuqa madow ah. Safarka dhuumashada ah, sida saxaafadda looga duway iyo weliba kulammada uu khayramasuullada la kulmay oo qarsoodi ahaa ayaa caddaynaya in arrintu ahayd mid aan ummadda Soomaaliyeed loo soo bandhigi karin.

 Safarkan Jaalle Musfin ku yimid ayaa dadka reer Baydhabo ku turjumeen xoojinta gacan ku haynta magaalada Baydhabo oo ah magaalada degaanka u ah madaxda Itobiya u adeegta.

 

 

 

 

 

Jubbaland News desk in Addis Ababa