Jubbaland  Online                          

               Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Friday, August11, 2006

Yaa ka dambeeyey xasuuqii ciidanka Itoobiya 

 Booqashadii gaabnayd ee wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya Jaalle Siyoom Musfin ku tagay magaalada Baydhabo oo ay ku sugan tahay dawlad ku sheegga u adeegta xukuumadda keligi taliye Meles Zanawi ee Addis Ababa ayaa la sheegay in lagu soo maleegay xasuuqa ka dhacay tuulada Laasacaanood ee aagga Cabudwaaq.

Xasuuqa Itoobiya ka gaysatay Laasacaanood ayaa u muuqda in Geeddi iyo Kornayl Cabdullahi ay farta ku fiiqeen dadka deggan tuuladaas ayaga oo ku tilmaamay in ay yihiin kuwa madalka adag. 

Ma'aha markii ugu horreysay ee ficil noocaan ah ciidanka Itoobiya ka fuliso dhulka beeshani deggan tahay. Kal hore ayaa ciidanka Itoobiya rag baraag qodanaya ku xusuuqday deegaannada beeshaan.

 

Jubbaland News desk in Addis Ababa