Jubbaland  Online                          

               Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Monday, August14, 2006

Maxaa kallifay in S/Guuto Kemal Gelchi baxsado 

 Dawladda naf la caariga ee uu hor kacayo keligii taliye Meles Zanawi ayaa waxaa beryahanba ka baxsanayey saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Itobiya. Inkasta oo had iyo goor aan la sheegin firdhadka ciidammada Itobiya, waxaa ugu dambeeyey S/Guuto Kemal Gelchi oo dhawaan ciidan uu wato la galay waddanka Eritereeya.

 Generaalka ayaa waxaa si diirran loogu so dhaweeyey waddanka Eritereeya. Jeneraal Kemal ayaa sheegay in kala sarraynta, musuqmaasuqa, caddaalad darrada, dilka qorshaysan, xarigga iwm oo lagula dhaqmayo qowmiyadaha ku hoos nool xukuumadda keligii taliye Meles Zanawi ay ku kalliftay baxsadkaan. 

Jeneraalka ayaa ciidanka uu la soo Galay Eritereeya ay ku qalabaysnaayeen hub iyo saanad aad u fara badan.

Xukuumadda Meles Zanawi ayaa ah mid cabburisa dadka reer Itoobiya.Cimri dherar ayey ka raadisaa iska horkeenidda dadka, cid kasta oo is hortaagtana xasuuq ayaa loo qoraa.

 

 

Jubbaland News desk in Addis Ababa