Jubbaland  Online                          

               Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Monday, August14, 2006

Kornayl Cabdullaahi, Dr. Geeddi, Afhayeen Shariif Xasan iyo dhammaan xubnaha baarlammaanku maxay uga hadli la'yihiin xasuuqa Itoobiya ka gaysanayso gobolka Galgaduud iyo weliba soo gelidda Balanbal? 

 

Magaalada Baydhabo oo ay ku sugan yihiin xubnaha dawladda u adeegta taliska Itoobiya ayaan ilaa iyo hadda wax hadal ah ka soo saarin xasuuqii ciidanka Itoobiya ka gaysteen tuulada Laasacaanood ee aagga Cabudwaaq iyo soo gelidda ay Itoobiyaanku soo galeen degmada Balanbal.

Kornayl Cabdullaahi iyo Geeddi oo Meles Zanawi u xilsaartay fulinta danaha Itoobiya ayaa faraha kula jira sidii ay ummadda Soomaaliyeed gacanta ugu galin lahaayeen Itoobiya. Gobollada Gedo, Bakool, Bay,Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ayaa Ciidanka Itoobiya si toos ah fara galin ba'an ugu hayaan. 

Dullayn, dhac, dil, kufsi, gawrac iyo argagax ayaa lagu hayaa ummadda Soomaaliyeed ee ku sugan xudduudd beenaadka Soomaalidu la wadaagto Itoobiya.

Haddaba waxaa isweydiin leh, xildhibaannada ka soo jeeda beelaha dega gobolladan kor ku xusan ma waxay raalli ka yihiin in dadka ay matalayaan sidaan loola dhaqmo?

Caqliga suubban wuxuu sheegayaa in haddii wax xun dhacaan oo aad ka aamusto raalli ayaad ka tahay. Wasiirnimo dhalanteed ah ayey ku baddasheen xornimadoodii iyo sharaftoodii.  

Haddaba, shacabka Soomaaliyeed waxay ka codsanayaan xildhibaannada inay muujiyaan mawqifka kaga aaddan falalka xunxun ee Itoobiya ku hayso Soomaalida haddii kale raalli ayey ka yihiin gumaynta shacabka. Siyaasadda Kornayl Cabdullaahi iyo Geeddi waa, "Wasiir ayaa lagaa dhigayaa ee oggolow in la gumeeyo dadkaaga"  

Maanta xaaladda Soomaaliya waa wixii dhiig lahow kaca!!!

 

 

Jubbaland News desk in Addis Ababa