Jubbaland  Online                          

               Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Thursday, August17, 2006

Xildhibaannada iyo Ugaasyada Beesha Sade wax ma ka ogyihiin dullaynta reer Balanbal? 

 

Ka dib markii Jubbaland Online xuuraantay arrimaha ku saabsan qabsashada ciidanka Itoobiya ay qabsadeen degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud, waxaa soo baxday in dawlad ku sheegga u adeegta taliska keligi taliye Meles ayna horkacayaan Kornayl Cabdullaahi iyo dhakhtarkiisa Jaalle Geeddi idan siiyeen in ciidankaan calooshooda u shaqaysta galaan Balanbal. Jlo isagama yeerin calooshooda u shaqaystayaal ee raashinba ma wataan oo xoolaha ayey dadka ka dhacayaan kana qalanayaan. Gabdhaha waa fara xumaynayaan. Dad ka qaxay magaalada oo gaaray Cabudwaaq ayaa jlo u sheegay in ciidanka Balanbal soo galay ay ku hubaysnaayeen noocyo kala duwan oo hub ah balse aanay wadan wax saad ah. 

Magaalada Baydhabo ayaa laga amray in ciidankani galo Balanbal. Kal hore ayaa koox iimaanlaawayaal ah oo ku sugan Baydhabo u codeeyeen in ciidan shisheeye la keeni karo waddanka. Qiyaastii laba asbuuc ka hor ayaa warqad ay Kornaylka iyo dhakhtarku wada saxiixeen gacanta loo galiyey wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya Jaalle Siyoum Musfin. Safaaradaha adduunka uga furan Addisababa ayaa loo qaybiyey si ay u tusaan dunida in ciidan Itoobiyaan ah dawladda Soomaaliyeed codsatay.

Warqaddani waxay keentay in Itoobiya isu soo qaawiso qabsashada magaalo Soomaaliyeed. Haddaba su'aashu waxay tahay maxaa Balanbal loo soo abbaaray oo dhul kale loo aadi waayey? Masuuliyiinta, xildhibaannada, ugaasyada, siyaasiyiinta, waxgaradka, odayaasha, dhallinyarada iyo ganacsata beeshan waa ay garan karaan sababta Kornaylku Balanbal qandhicilley gacanta ugu galinayo.

 

 

Jubbaland News desk in Addis Ababa