Jubbaland  Online                          

               Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Monday, August 21, 2006

Dawladdii u adeegi lahayd keligi taliye Meles Zanawi oo Baydhabo looga dhawaaqay 

 

Dr. Geeddi oo ah wasiirka koowaad ee dawlad ku sheegga Soomaaliya u qaabilsan Itoobiya dullaynta iyo gumaynta ummadda Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay magacyada uu rabo inay kala qayb qaataan sidii Somaaliya gacanta loogu galin lahaa gumaysiga gaboobay ee Itoobiya. 

Iyada oo aan cid ka hadlin xasuuqii ka dhacay Laasacaanood, qabsashada Balanbal ay Itoobiya qabsatay, faraxumaynta ay Balanbal ka gaysanayaan ciidanka calooshooda u shaqaysta iyo dhaca iyo kufsiga aan kala joogsiga lahayn ayaa Jaalle Geeddi u soo gudbiyey magacyadaan in ay u matalaan 

 1-Arrimaha Gudaha (Xuseen Faarax Caydiid)

 2-Maaliyadda (Col. Shaati guduud)

 3- Gaashaandhigga (Barre Hiiraale)

 4-Deegaanka (Xayd)

 5-Dalxiiska & Duurjoogta (Cali Xareed)

 6-Hiddaha & Tacliinta Sare (Xuseen Max'ud Xuseen)

 7-Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga (Buubaa)

 8-Dib u heshiisiinta & Jaaliyadda Dibadda (Sifir)

 9-Caafimaadka (Cabdicasiis Sh. Yuusuf)

10-Dib u dhiska & Dib u Dejinta (Siciid Xasan Shire)

11-Garsoorka (Aadan Madoobe)

12-Warfaafinta (Jiingali)

13-Diinta (Xasan Ismaaciil Bile)

14-Amniga Qaranka (Garruun)

15-Dastuurka (Cabdullaahi Sh. Ismaaciil)

16-Warshadaha (Max'ed Cabdullaahi Kaamil)

17-Qorshaynta & Tirakoobka (Xuseen Ceelaabe Faahiye)

18-Boostada & Isgaarsiinta (Tarrax)

19-Horumarinta Haweenka & Qoyska (Fowsiyo Max'ed Xasan)

20-Shaqada & Shaqaalaha (Saalax Cali Faarax)

21-Xoolaha, Dhirta & Daaqa (Saalim Caliyow Ibrow)

22-Dhallinyarada & Isboortiga (Mowliid Macaane)

23-Beeraha (Cabdulqaadir Nuur Carraale)

24-Waxbarashada (Cabdiraxmaan Cabdi Waarre)

25-Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda (Xasan Abshir Faarax)

26-Macdanta & Biyaha (Maxamuud Salaad Nuur)

27-Batroolka & Tamarta (Cabdullaahi Yuusuf Max'ed)

28-Ganacsiga (Cabdullaahi Axmed Afrax)

29-Hawlaha Guud & Guryeynta (Gacm Dheere)

30-Gaaddiidka Cirka & Dhulka (Xaabsade)

31-Dekedaha & Gaadiidka Badda (Cali Ismaaciil Giir)

 DR. Geeddi wuxuu weli u baahan yahay in baarlammaanku ansixiyo soo jeedintaan. Waxaase isweydiin leh xubnihii gggolaaday in Itoobiya xasuuqdo dadka Soomaaliyeed, ciidanka taliska wareersan ee Addisababana soo galo waddanka, ma hor istaagi karaan arrinta keligi taliye Meles Zanawi wato.

Dawladdan ayaa haddii la oggolaado noqonaysa mid go'aammadu uga yimaadaan Itoobiya oo beryahaan dharka u soo dhigatay in ay dadka Soomaaliyeed ku dul noolaato.

 

 

 

Jubbaland News desk in Addis Ababa