|
Wednesday, August 23, 2006 Ciidanka Calooshooda u shaqaysta ee keligi taliye Meles Zanawi oo qabsaday Degaanka BandiiradleyBandiiradley, Galmudug Ciidan ku qalabaysan hub culus oo la sheegay in ay yihiin Itoobiyaan ayaa degaanka Bandiiradley qabsaday. Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in ciidankani ay jareen dhammaan isgaarsiinta degaankaas. Sida ay jlo ka soo xuuraantay dadka degaanka deggan, goobihii ganacsiga ayaan la furin ayada oo dadku u baqeen in xoolahooda la dhaco. Ciidankaan ayaa waxaa ku soo siyaaday laba ciidan oo ka kala socda Puntland iyo kuwa uu horkacayey Colonel Qaybdiid. Ciidankan calooshooda u shaqaysta oo ka amarqaata keligi taliye Meles Zanawi ayaa isla markiiba bilaabay in guryaha ay ku garaacaan ganacsatadii iyo odayaashii degaanka. Odayaasha beelaha degaankan ayaa lagu wargeliyey in ay ciidan Maxkamadaha Islaamiga looga hortago keenaan, isla markaasna soo diiwaan geliyaan dadka taageera Maxkamadaha. Oday dhaqameed ku sugan Bandiiradley oo diiday in uu magaciisa xuso ayaa jlo u sheegay in xoolihii ay ciidankan calooshooda u shaqaysta cuni lahaayeen ka soo diyaariyo beesha. Cid kasta oo ishortaagta arrintaanna magaciisa loo soo gudbiyo taliyaha ciidankan oo uu sheegay in uu yahay laba xarigle Itoobiyaan ah. Ma'ahan markii ugu horraysay oo ciidan noocaan ah soo galaan degaanno Soomaaliyeed. Waxa ay isku dhereriyeen xuduud beenaadka Soomaaliya la leedahay Itoobiya. Waxa ay diyaar u yihiin in ay waddanka oo dhan kilin lixaad ka dhigaan ayaga oo adeegsanaya dawlad ku sheegga Soomaaliyeed ee deggan Baydhabo.
Jubbaland News desk in Addis Ababa |