Jubbaland  Online                          

               Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Friday, August 25, 2006

Saddex nin oo Itoobiya ka qafaalatay Magaalada Gaalkacyo   

 Gaalkacyo, Puntland

 Ciidanka calooshooda u shaqaysta ee Itobiya gacantana ku haya magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in ay qafaasheen saddex nin oo ka soo jeeda beelaha dega Soomaali Galbeed. Raggaan ayaa laga qafaashay goobaha dadku ku kulmo ee qaxwaha laga cabbo.

Dad ku sugnaa goobta ragga laga qafaashay ayaa isku dayey in ay wax ka ogaadaan sababta raggaan loo kaxaysanayo iyo wliba halka loo wado. Qaar ka mid ah ciidanka kuna hadlayey luqadda Soomaaliga iyo luqad ka mid ah kuwa looga hadlo Itoobiya ayaa hanjabaad, cay, iyo aflagaaddo u gaystay dadweynihii halkaas ku soo uruuray si ay u ogaadaan arrimaha meesha ka socda.

Nin ka mid ah ragga ciidankaani qafaashay ayaa ku noolaa magaalada Gaalkacyo muddo 15 san ah, halka ragga kalana ay marti u ahaayeen.

Ciidanka calooshooda u shaqaysta ayaa had iyo goor arrimahaan oo kale ka fuliya magaalooyin badan oo Soomaaliya ah.  

Dawlad ku sheegga Soomaaliyeed ee uu ku adeegto keligi taliye Meles Zanawi uuna horkacayo Qaran-Dumiye Kornayl Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa hawlaha ay fuliso yihiin kuwaan oo kale.

 

Jubbaland News desk in Addis Ababa