Jubbaland  Online                          

               Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Saturday, August 26, 2006

Geeddi oo la' laaluushkii uu ku ansixin lahaa xukuumad ku sheeggiisa   

 Baydhabo, Soomaaliya

 Dawlad ku sheegga Soomaaliyeed ee u adeegta Taliska Addis Ababa kuna sugan magaalada Baydhabo ayaa waxaa soo foodsaaray dhaqaala xumo. Xog hoose ayaa sheegaysa in tirada Geeddi uga baahan yahay baarlammaanka ay u baahan yihiin lacag si ay codkooda u siiiyaan. 

Qaran-Dumiye Kornayl Cabdullaahi Yuusuf oo looga dheereeyey Itoobiya ayaan wax gacan ah ka gaysanayn laaluushka lagu bixinayo ansixinta dawlad ku sheeggan. Xildhibaanno diiday in la faafiyo magacooda ayaa sheegay in qiimaha codkooda ay kordhiyeen, taasina kalliftay in Geeddi cod u qaadidda golahan dib u dhigo.

Qaran-Dumiye Kornayl Cabdullaahi Yuusuf ayaan dan iyo heello ka lahayn arrintaan maadaama uu rabo in Geeddi ka dhex baxo isaga iyo Meles Zanawi.

Jubbaland News desk in Addis Ababa