Jubbaland  Online                          

               Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Monday, August 28, 2006

Qaran-Dumiye Kornayl Cabdullaahi Yuusuf oo la shiray ciidanka calooshooda u shaqaysta   

 Baydhabo, Soomaaliya

 Madaxa dawlad ku sheegga Soomaaliyeed ee u adeegta taliska Addis Ababa Qaran-Dumiye Kornayl Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Baydhabo kula shiray taliyeyaasha ciidanka calooshooda u shaqaysta. Shirkan ayaa looga hadlay sidii ummadda Soomaaliyeed loo argagixin lahaa waddanka Soomaaliyeedna gacanta loogu galin lahaa gumeysiga madow ee u soo dhar dhigtay qabsashada dhul Soomaaliyeed iyo ku dul noolaanshaha ummadda Soomaaliyeed.

Shirkan oo albaabadu u xirnaayeen ayaa markii uu dhammaaday waxaa saxaafadda ka hadlay taliyaha ciidan ku sheegga dawladda dabadhilifka u ah Meles Zanawi Jaalle Naaji. Naaji ayaa sheegay in ciidankiisu diyaar u yahay difaaca qaranka balse runtu tahay Somaaliya oo gacanta loo galiyo Itoobiya. Taliyaha ayaa adeegsaday erayga difaaca qaranka laakiin intii garaad leh waa garanaysaa inay tahay difaac iyo inay tahay weerar.

Ummadda Soomaaliyeed cadawga iyo saaxiibka waa inay kala ogaataa. IGAD waa urur ay ku adeeganayso Itoobiya oo ujeeddadeedu tahay qabsashada Soomaaliya. 

 

 

Jubbaland News desk in Addis Ababa