|
Tuesday, August 29, 2006 Itoobiya oo ka soo horjeedda kulanka Khortoum (Sudan)Addis Ababa, Ethiopia Taliska Addis Ababa ee uu hoggaamiyo Majixinjixe Meles Zanawi ayaa si toos ah uga soo horjeeda in maxkamadaha iyo dawlad ku sheeggu kulmaan. Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Meles Zanawi carqalad xun ku hayo in kulankaani qabsoomo. Dhakhtarka iyo Kornaylka oo aan u madaxbannaanayn go'aan qaadashada heshiis ka soo baxa Khortoum ayaa si caga jiid ah ugu diray madaxa Baarlammaanka in uu ka qayb galo shirka balse uu la tashi ku soo celiyo Baydhabo. Keligi Taliye Meles Zanawi oo IGAD adeegsanaya ayaa la sheegay in uu ka soo horjeedo in xal loo helo arrimaha murugsan ee Soomaaliya. Sida kaliya ee Ethiopia u dullayn karto Soomaaliyana ay tahay in Soomaaliya ku jirto xaalad ah "QAYBI OO XUKUN" Keligi Taliye Meles Zanawi ayaa maalin ka hor goortii uu kulanka Khortoum furmi lahaa la yimid in kulanka loo wareejiyo Uganda ama Kenya oo ah xubno IGAD ka tirsan oo xag jira. Taasi waxay muujinaysaa in wixii khortoum ka soo baxa horay laga mucaaradi doono oo dawladda u adeegta Keligi Taliye Meles Zanawi sii wadan doonto gacan gelinta Soomaaliya.
Jubbaland News desk in Addis Ababa |