|
Thursday, August 31, 2006 Khortoum oo lagu soo qulqulayoKhortoum, Sudan Kulanka ka dhacaya magaalada Khortoum ee ay isku hor fariisanayaan dawladda wakiilka ka ah taliska Addis Ababa iyo midowga maxkamadaha ayaa waxaa aad u danaynaya ururrada samafal iyo kuwa caalami ahba. Urrurka IGAD ayaa ah mid ku qaybsan arrinta Soomaaliya balse wax walba u dhacaan dhanka Ethiopia la jirto maadaama ay Qaran Dumiyaha iyo dhakhtarkuba aysan khilaafi karin Keligi Taliye Meles Zanawi. Soomaaliya ayaa noqotay neef qalan oo miiska iska saaran qaybtii hilibkana lagu heshiin la'yahay. Goob kasta oo ay ku kulmaan waxaa soo taaga inta arrinta Soomaalidu ka degi la'dahay. Maxaa Soomaalida u diiday in kulan waddanka gudihiisa ah oo aysan soo xaadirin wakiillo ka socda IGAD, AL, EU, AU, UN, NGO's, IWM. uu qabsoomo?
Jubbaland News desk in Addis Ababa |