Jubbaland  Online                          

               Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Monday, Septembar 04, 2006

Xubnaha IGAD oo carqalad ku haya in Khortoum heshiis lagu gaaro   

 Nairobi, Kenya

 Warar xogogaal ah oo naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in xubnaha IGAD qaar ka mid ah ay rabaan in kulan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya la rabo in lagu qabto magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Kulankaan ayaa carqalad ku ah in wax ka soo baxaan wadahadalka Khortoum uga socda Soomaalida.

 Dawladda Ethiopia oo ah xubinta go'aammada IGAD sida ay rabto u dhacaan ayaan wax wakiil ah u dirsan kulanka Khortoum iskuna dayday in ay wadahadalkaan ka weeciso Khortoum. Kolkii ay ku guul darraysatay ayey waxay u suxul duubtay in shir hor leh oo ay ku fushanayso danaheeda gaarka ah ku qabato magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 Keligii Taliye Meles Zanawi ayaa adeegsanaya Uganda iyo Kenya oo ayadu haysa hggaanka IGAD sanadkaan. Meles Zanawi oo ah ninka talada u haya Qaran Dumiye Kornayl Cabdullaahi iyo dhakhtarkiisa ayey ka go'an tahay in qaran Soomaaliyeed oo ka madax bannaan Ethiopia aan la arkin.

 Wada hadalka Khortoum ayaan waxaan ka soo baxayn go'aammo Ethiopia ka madax bannaan, taasna waxaa xoojinaya Dr. Geeddi hadalladii ka soo yeeray ee ahaa in keenidda ciidan shisheeye ay lama huraan tahay, awood qaybsina aysan jirin.

 

Jubbaland News desk in Addis Ababa