Jubbaland  Online                  Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Friday, febuary 02, 2007

Howl galadii ugu danbeeyay ee ay ciidamada DFKMG ee Soomaaliya  ka sameeyeen magaalada C/waaq ee waqooyiga G/galgaduud

Cabudwaaq, Iyadoo uu galey hamiinkii todobaad  bandowga ay ciidamada dawladu saareen magaalada C/waaq ayaa hadana wxaa sii socda howlgaladii ay doonayeen in ay ciidamada dawlada ka jooga waqooyiga gobolkan G/gaduud ku xakameeyaan  amaanka guud ee degmada. Iyaga oo kqaadey talaabooyin dhinaca amaanka.

 

Xiliga ay howlgaladaani bilaabeen ciidamada ka socda dawlada Faderaanka ayaa aheyd xili xaalka magaaladu uu umuuqdey mid kacsan isla markaana lagu dilay nin kamida ganacsatada C/waaq taas oo kicisay dareenka cabsida ee dadka ku nool degmada C/waaq iyadoo xiligaasna ldadku ay ka baqayeen aar goosi ay sameeyaan beeshii uu ka soo jeeday marxuunka dhintey.

 

isla xiligaasi dilku dhacey waxaa yimid magaalada ciidamada dawlada markoodii ugu horeysay  waxaana ay ciidamo dhigeen magaalada iyagoo oo ku baaqey in xaalka la dajiyo ugana digay cidii ku dhaqaaqda ama laga dareemo amaan darro in laga qaadato talaabo lana horgeynayo cadaalada.

 

Balse waxaa muuqda in ciidamda dawladu aysan wax hurumara ka sameyn soo qabashadii gacan ku dhiiglahii oo aysan suurta galin, waxaasi ay kulamo iyo tashiyo la sameeyeen labada beel ee ay ka soo kala jeedaan gacan ku dhiiglaha dilka geystey  iyo marxuunka dhintey oo ka mid ahaa ganacsatada degmada waxeyna ku booriyeen iney qeyb ka qaataan amaanka iyo qaboojinta xaalada

  

Jubbaland Newsdesk in Galgaduud

Main Page

webmaster@jubbaland.com