|
Friday,
febuary
02, 2007 Cadaado, Siminaarkaan oo ay ka qeyb galayaan 74 ruux oo kakala socda deegaanada Cadaado iyo galinsoor ayaa ka furmay maalinimadii shaley kaasoo inta uu socdo casharada lagu qaadanayo ay ka mid noqon doonaan siyaabaha looga talaalo dadka cudurka jadeecada, ka hortaga iyo wacyi galintiisa. Ilaa 74.tan ruux ee ka qeyb qaadanaysa siminaarkaasi ayaa isugu jira kooxo talaalayaal ah. Kalkaaliyayaal caafimaad iyo wacyi galiyayaal ka howl gala magaalooyinka Galin-soor iyoCadaado. Hay'adaha UNICEF iyo WHO ayaa qaba tasiilaadka iyo fanka ku baxaya mudada uu socdo siminaarkan, iyadoo hay’ada Bisha casna ay leedahay socdsiinta iyo howl galinta siminaarka lagu baranayo talaalka cudurka jadecada iyada oo lafilayo marka uu siminaarkaasi dhamaado in laga sameeyo magaalooyinka loo qabtey talaal guud. Madaxa Caafimaadka Gobolkan G/guduud Nasro ismaaciil jimcaale ayaa shabakada Alljubaland usheegtey in in dhamaan dadka ka qeyb qaadanaya ay yihiin shaqaalo caafimaad kuwaas oo bay tiri loo doortey in kaanbeygaan ay fuliyaan. Iyaga oo had iyo goor tababarada noocaana loo qabto dadka ku shaqada leh caafimaadka Gobolkan aya hadana aysan dabooli Karin baahida caafimaad ee ka jirta gobolka waxaana jira caruur wali ula il daran cudurka jadeecada Gobolkan g/guduud.
Jubbaland Newsdesk in Galgaduud
|