|
Friday,
febuary
02, 2007 Mogadishu, Ilaa 7 ruux ayaa ku dhimatay madaafiic iyo hoobiyeyaal lala beegsanayey goobaha ay ku sugan yihiin ciidanka Ethioian-ku tira kalana waa ku dhaawacantay. Ma'ahan markii ugu hrraysay ee ciidanka Ethiopianka lagu soo weeraro inkasta oo aan la sheegin qasaaraha la gaarsiiyey ama hoobiyeyaashu u gaysteen goobihii ciidammada haddana dhaawaca iyo dhimashada ayaa la sheegayaa in ay yihiin dad ayagu goobahaas ka dhawaa. Hobiyeyaasha ka bacdi ayaa rag hubaysan rasaas fureen kana dhaqaaqeen iyada cid u jawaabtay aysan jirin. Midawgii maxkamadbeeleedyadii ciidanka Ethiopianku kala wareegay magaalada Muqdishu ayaa inta ayna ka bixin magaalada sheegay in qaabka dagaalkodu uu ahaan doono "ku dhufoo ka dhaqaaq" waxayna u muuqataa in ay shaqaynayso in kasta oo ayna sheegan in ay ka dambeeyaan weerarrada lagu hayo ciidanka Ethiopianka. Waxaa magaalada lagu daadiyey waraaqo looga soo horjeedo dawladda Cabdullaahi Yuusuf iyo Geeddi iyo weliba qorshaaha ay wataan ee lagu keenayo ciidanka Afrikaanka ah.
Jubbaland Newsdesk in Mogadishu
|