|
Saturday,
febuary
17, 2007
Buurdhuubo,
Sadexdan qof ee ku geeriyootay nawaaxiga degaanka Buurdhuubo
ayaa la sheegayaa in ay u nafwaayeen xanuunka Jadeecada oo
imminka si weyn uga dilaacay goobahaasi sida uu xaqiijiyay
gudoomiyaha ururka Bisha Cas ee degmada, Xassan Muxumed Cali
Xassan Yare oo Jubbaland kula soo xiriiray qadka Telefoonka.
Dadkan geeriyooday ayaa lagu soo
warramayaa inay isugu jireen carruur iyo waayeel ayaddoo uu
xanuunkaasi imminka soo ritay dad badan 100 ruux sida uu
cadeeyay Xassan Yare oo walwal badan ka muujiyay xaaladaha sii
xumaanaya.
Waxaana uu gudoonkaasi Caafimaadka
ka codsaday hay'addaha Gudaha iyo kuwa caalimaga ah in ay kaalmo
daawooyin ah la soo gaaraan dadkaasi dhibanayaasha ah oo u
la'anaya dawo la'aanta.
Inta badan Xiligani oo kulelyle ah ayaa waxaa dad badan aafeeya xanuuno daran oo ay kamidka yihiin cudurada Jadeecada, Shubanka iyo Malaariyada oo ay dadka ka qaadaan biyaha webiga oo sii yaraanaya.
Jubbaland Newsdesk in Gedo
|