|
Saturday,
febuary
17, 2007
Baardheere,
Xafiiska golaha
odayaasha ee degmada Baardheere iyo qaar ka mid ah madaxda Hay'adda
Wadinaga ee fadhigeedu yahay degmada Baardheere ayaa
sheegay in fal shalay nin dabley ahi uu rasaas kor ugu riday buundada
magaalada oo ay xiligaasi ku sugnaayeen haweeneey iyo nin ka
tirsanaa wafdi ka soda Hay'adda MSF-Spain uusan ahayn mid lala
beegsaday wadfigaasi.
Gudoomayaha Hay'adda Wadaniga ee
SADO, Aadan Xassan Barre oo shilkaasi kaddib hadlay
ayaa sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid ninkaasi dableyda ah uu
kor labo xabadood oo qoriga Ak47ka ah ugu riday gaari qaad
siday oo waqtigaasi marayey marinka buundada.
Aadan Xassan Barre ayaa dhinaca
kale tibaxaay in aysan jirin cid si gaar ah u beegsanaysa dadka
ajnabiga ah oo uu sheegay in si weyn ay u soo dhaweynayaan dad
reer Baardheere oo u heelan cid walba oo bulshada wax u
qabanaysa. Waxaana uu carrabka ku adkeeyay in arrintaasi aysan
ahayn mid wax cawaaqib ah u keeni karta hanaanka waxqabad ee
MSF-spain Waayo buu yiri xabadu ma ahayn mid xitaa u dhaweyd
goobta ay wafdiga joogeen ayna indhahooda ku arkayeen gaariga
qaadka siday ee goobtaasi marayey.
Gudoomiyaha golaha
odayaasha degmada Baardheere, Xuseen C Biixi oo misna qadka
teleefoonka maanta igu soo xiriiray ayaa si lamid ah gaashaanka
ugu dhuftay xitaa in la haweystay wafdiga waxaana uu sheegay
Jaalle Biixi in aysan dhicin tillaabo lagu rabshayo Xubnahaasi.
Gudoomiyaha Golaha Odayaasha ayaa carrabka ku dhuftay in
islamarkiiba ay horkeeneen wafdiga ninka xabada riday oo uu
sheegay gudoomiyuhu in maalin kasta ay xabaduhu iska dhacaan ,taasina
aysan wax cawaaqib ah ku yeelan doonan geedi socodka arrimaha
Bulshada.
Aniga oo goobtaasi wafdiga ku wehlinayay socdaalkaasi indha indhaynta ah ayaa waxaa la ii sheegay in ninka xabada riday loo diiday in uu maro goob aan sidaasi wafdiga uga fogeyn isaga oo qaadkaasi baacsanaya islamarkiina uu xabada kor u riday. Wafdiga MSF-Spain oo aan saakaba ku booqday fadhigooda ayaa waxaa ay muujiyeen niyad wanaag gaar ahaan markii aan iswaydaaranay dhawr eray oo afka faranciiska ah gaar ahaan markii aan ku iri (Cava Museur ) waxaana ay ii sheegeen in aysan wax dhug ah u lahayn xabadaasi la sheegay oo ay iyaguba ku arkayeen indhahooda in gaarigaasi qaadka siday oo xowli u socday uu marayay marinka Buundada. "We Shall Continue our activities No Matter What We Can Witness Is That Most Of The People In Bardera Are Ready For Us Now And For Ever"..."Wan sii dhaqaajin doonaa howlaha yaga waxa aan ka marqaati kici karno waa in dadka reer baardheere yihiin dad diyaar noo ah hadda iyo weligeen". sidaasi waxaa yiri mid kamid ah wafdigaasi oo igula hadlay guriga Guest-Houseka Ay Deganyihiin. Hay'adda MSF-Spian ayaa dhawaan lagu wadaa in ay daaha ka qaado xafiiskeeda cusub ee Deg.Baardheere ,kaasoo noqon doona mid si ballaaran loogu haqabtirmo gaar ahaan adeegyada caafimaadka Degmadan.
Jubbaland Newsdesk in Gedo
|