|
Friday,
febuary
23, 2007 Addis Ababa (Ethiopia), Warar lagu kalsoon yahay oo
Jubbaland ay ka helayso meela kala duwan ayaa sheegaya in dawladda
Ethiopia ay ka furtay xabsi dadka muslimka ah ee sida aadka ah ugu
dhaqma diinta lagu hayo iyada oo aan wax maxkamad ahna la soo
hortaagi karin. Ilawareedkan ayaa sheegaya in dad badan oo
dhallinyaro ah oo Soomaaliya laga soo aruuriyey ciidanka Ethiopia
oo ku sugan Soomaaliyana gacanta loo galiyey. Soomaalida Kilinka
Shanaad odayaal ka soo jeeda oo Jubbaland si qarsoodi ah ula
xiriirtay ayaa xaqiijiyey jiritaanka dhawr meelood oo Guatanamo oo
kale ah dadka la geeyana laga samro. Waxyaalaha dadkan loo gaysto
ayaa waxaa ka mid ah buu yiri oday Kilinka Shanaad ah oo magaciisa
qariyey, "Garka ayaa laga rifaa, kitaabka quraanka ayaa lagu
dhahaa 'Saldhayso', salaadda ayaa loo diidaa, waqtiga inay la
socdaan ayaa loo diidaa, kaadi ku weysaysta ayaa la dhahaa biyo
idiinma haynee,sawirro qofku qaawan yahay ayey qaadaan si fara
looga qabto mustaqbalkana loogu adeegto, dadku dambi aysan galin
ayaa lagu jirdilaa oo lagu khasbaa in uu qirto ...Goobahaani waa
ka horreeyeen Guatanamo ee waan adduunku dan ka lahayn" Jubbaland ayaa weydiisay sida xogtaan uu ku helay maadaama ay
goobahaan qofkii la geeyo aan la soo celin. Dadka qaar ayey dib u
isticmaalaan si uu Soomaaliya uga fuliyo arrimo Ethiopia ka
leedahay.Dhawr qof ayaan aragnay oo muddo dheer ka bacdi soo
noqotay. Madaxweynaha dawladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa
dawladda Ethiopia xabsigeeda ku jiri jiray balse asagu ka mid ah
kuwa fara ku tiriska ah ee dib loogu soo celiyey gudaha Soomaaliya.
Qofka xabsiga noocaan ah gala ayaa xubinta bini'aadamka u
qaabilsan naxariista dareen beeshaa. Odayaal badan oo ku sugan Kilinka Shanaad oo Jubbaland la
dhexqaadday waraysi ayaa sheegay in diinta oo aad
dhaqankeeda ku adag tahay aad ku mutaysanayso in laguu soo
dhaadhiciyo goobahan. Waxaa kale oo aad ku mutaysanaysaa in aad
xabsigaan gasho qodobadaan oo qaarkood cusub yihiin: Inaad su'aal ka keento sida Meles iyo Kornaylku Soomaaliya ugu
taliyaan, inaad ka soo horjeesato gumaysiga Soomaaliya loo gacan
galinayo Ethiopia, in lagaa dareemo xoogaa waddaninimo ah, inaad
ka soo horjeesato beesha madaxweynaha oo ayadu aamminsan in
Soomaaliya dabaqado tahay beesha madaxweynahuna tahay tan ugu
sarraysa keligeedna wax xukumi karto IWM. Waxaa Jubbaland idiin ballan qaadaysaa in wareysiyada aan la
dhex qaadnay odayaasha Kilinka Shanaad oo maqal ah
aan soo galin doonno shabakadaan.
Jubbaland Newsdesk in Addisababa
|