|
Tuesday, Septembar 05, 2006 Qaraxyo ka dhaca EthiopiaAddis Ababa, Ethiopia Qaraxyo lala beegsado meelaha shacabku deggan yahay ayaa had iyo goor ka dhaca goobo kala duwan oo Ethiopia ah gaar ahaan dhulka Soomaalidu deggan tahay. Qaraxyadan ayaa kii ugu dambeeyey ahaa maalinkii Axadda oo lagu qarxiyey magaalada Jigjiga. Dhimasho iyo dhaawacna keenay. Qaraxaan ayaa la sheegay in isla markii uu dhacayba ciidanka boolisku xirxireen dad ka cararay qaraxa si ay lafahooda u badbaadsadaan. Dadkan ayaa la sheegay in qaarkood ayba ku dhaawacmeen qaraxa oo ay dhibbane ahaayeen. Xog hoose ayaa sheegaysa in taliska Meles Zanawi ka dambeeyo qaraxyadaan si ay cabsi ugu hayaan dadweynaha qiilna ugu helaan xabsi u taxaabidda dad badan oo ka soo horjeeda xukunkiisa. Taliskaan ayaa mar kasta oo qarax ka dhaco meel qofka uu u dan leeyahay ku soo ooga dambiyo ay ka mid yihiin qarandumin, argagax, xasuuq, inqilaab IWM. Saxaafadda ayaa ah mid aan xor ahayn.
Jubbaland News desk in Addis Ababa |