|
Thursday, Septembar 06, 2006 Qaran Dumiye Kornay Cabdullaahi oo ku soo laabtay BaydhaboBaydhabo, Soomaaliya
Madaxa dawlad ku sheegga Soomaaliyeed ee u adeegta keligi taliye Meles Zanawi Qaran Dumiye Kornayl Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa ku soo laabtay magaalada Baydhabo ka dib markii uu ka qayb galay shir aan loo dhammayn oo xubnaha IGAD ku lahaayeen magaalada Nairobi. Shirkaan ayaa la sheegay in taliska Addis Ababa uu ku carqaladaynayey shirkii Khortoum uga socday Soomaalida. Shirka Nairobi ayaa la sheegay in looga hadlayey sidii ciidan Itoobiyaan ah oo ay weheliyaan ilaa dhowr boqol oo Ugandha iyo Kenya laga keeno ay Soomaaliya u imaan lahaayeen, halka shirka Khortoum ahaa mid looga soo horjeedo keenid ciidan shisheeye. Qaran Dumiye Kornayl Cabdullaahi oo ay ka go'an tahay inuu mar Soomaaliya oo dhan gacanta u galiyo cadawgeeda koowaad ayaa Nairobi ku soo saxiixay qodobba la sheegay in ay lid ku yihiin kuwii lagu soo saxiixay Khortoum. Ummadda Soomaaliyeed ayaa si aad ah uga soo horjeedda faragelinta Itoobiya ku hayso Soomaaliya halka dawlad ku sheeggu ka shaqaynayso sidii ummadda Soomaaliyeed loo gumayn lahaa, midnimadeeda loo weyn lahaa, sinnaan loogu baddali lahaa kala sarrayn, xornimadana looga qaadi lahaa.
Jubbaland News desk in Addis Ababa |