Jubbaland  Online                          

               Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Sunday, Septembar 10, 2006

Kornayl Cabdullaahi oo lagu amray in aanu Libiya tegin

 Baydhabo, Soomaaliya

 

Kulan ka dhici lahaa Libiya ee lagu falanqayn lahaa arrimaha cakiran ee Somaaliya ayaa lagu waday in madaxa dawladda wakiilka ka ah Itoobiya Qaran Dumiye Kornayl Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu ka qayb galo mase aysan dhicin ka dib markii keligi taliye Meles Zanawi ku wargeliyey kornaylka in shirka Libiya dan Itoobiya ku jirin.

Kornaylka oo isla markiiba yeelay amarkaa dusha uga yimid ayaa dad badan oo horay u yaqaanay waxay isweydiinayaan dheganugaylka kornaylka waxa sababay.

Oday dhaqameed ku beel ah Kornayl Cabdullaahi oo codsaday in aan la shaacin magaciisa ayaa sheegay in dheganugayl iyo amarqaadasho aysan ka mid ahaan jirin erayada lagu tibaaxo dabeecadda Kornaylka.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aamminsan in sababo badan qarsoon yihiin oo Kornaylka ku kalliftay in uusan war ka soo celin amar ka yimid hoggaamiyaha Itoobiya oo lagu duminayo dalka, dadka iyo diintaba.

 

 

 

Jubbaland News desk in Addis Ababa