Jubbaland  Online                          

               Jubbaland Will Bring You The Latest News and Information around the World into Your Living Rooms- The Land of Responsible People

Monday, Septembar 18, 2006

Qaraxyo Itoobiya ka ridday Baydhabo

 Baydhabo, Soomaaliya

 

Dadka magaalada Baydhabo ayaa isla dhexmaraya xog ku saabsan ciddii ka dambeysay qaraxyadii isdabayaalka ahaa ee lala beegsaday agagaarka ADC. Dadweyne badan oo reer Baydhabo ah ayaa ku doodayey in dawladda dhexdeeda ay tahay.

Dad badan ayaa iyaguna qaba in maxkamadaha bahoobay ee uu horkacayo Sheekh Xasan Daahir Aweys ka shaqeeyeen qaraxyadaan isdabayaalka ah ee ay ku naf waayeen dad kor u dhaafay 10 ruux.

  Dhinaca kale, madaxweyne ku sheegga dawladda u adeegta keligii taliye Meles Qarandumiye Kornayl Cabdullaahi Yuusuf ayaa la sheegay in uu wax ka ogaa qaraxaan si uu adduunweynaha wax cad oo uu kaga kasbado kalsooni u helo. 

Ciidan shisheeye oo la keeno, Itoobiya oo rabta in ay qarammada midoobay hor geyso sida dawladdan Soomaaliyeed ugu baahan tahay xoogag shisheeye oo ka difaaca maxkamadahaan isu tagay.

Qorshahaan oo Kornaylku wax ka ogaa ayaa dadka lala qarxiyey baabuurta waxaa ku jiray dad ay aad isugu dhaw yihiin si aan loogu malayn in dawladdu ka dambaysay.  

 

 

 

Jubbaland News desk in Addis Ababa