|
Thursday, Septembar 21, 2006 Geeddi oo diiday in khubarada baaraysa qaraxyadii Baydhabo xubno carbeedBaydhabo, Soomaaliya
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in guddiga loo xilsaaray inay baaraan qaraxyadii Baydhabo ka dhacay oo lala beegsaday ilaalada Kornayl Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayna ku qurbaxeen dad badan uuna madax ka yahay Cali Maxamed Geeddi loo diiday in ay xubin ka noqdaan kana qayb qaataan waddamma dhowr ah oo ay ka mid yihiin Masar, Suudaan, Jabuuti, Liibiya iyo Yemen halka Ethiopia iyo Kenya laga dalbaday inay ka qayb qaataan. Kornaylka iyo dhakhtarka ayaa isla maalinkiiba gaashaanka u daruuray in Itoobiya aysan ka suurtoobi karin dilka dadkaan isla markaana aysan ku jirin liiska laga shakisan yahay in uu ka qayb qaatay ficilkaan foosha xun. Dad badan oo ah dadka degaanka ayaa isla dhexmaraya in dadka fuliyey arrinkaan ay ahaayeen calooshooda u shaqaystayaal ka amar qaata dhakhtarka. Dadka degaanka ayaa qaba in Geeddi guddiga uu madaxda u yahay dabooli doono raadka ficilladii foosha xumaa oo uu ka gaystay Baydhabo.
Jubbaland News desk in Addis Ababa |